Soplang Logo
Soplang

Operators

Arithmetic, comparison, iyo logical operators ee Soplang—syntax, tusaalooyin, iyo isticmaal caadi ah.

Operators in Soplang

Soplang waxa uu taageeraa operators caadi ah oo u eg kuwa luqadaha caanka ah: arithmetic, comparison, iyo logical—si fudud oo akhris-wanaagsan.

Arithmetic Operators

Waxaa loo adeegsadaa xisaab tirooyin abn ama jajab.

OperatorMeaningExample
+Additiona + b
-Subtractiona - b
*Multiplicationa * b
/Divisiona / b
%Moduloa % b
arithmetic_operators.sop
abn a = 10
abn b = 3
qor("Wadarta: " + (a + b))
qor("Hadhaaga: " + (a % b))

Comparison Operators

Lagu hubiyo isbarbar dhig ama sinnaansho u dhexeeya qiimeyaal.

OperatorMeaningExample
==Equala == b
!=Not equala != b
>Greater thana > b
<Less thana < b
>=Greater or equala >= b
<=Less or equala <= b
comparison_operators.sop
door a = 5
door b = 10
qor("a == b: " + (a == b))
qor("a < b: " + (a < b))

Logical Operators

Waxaa loo adeegsadaa isku-darka xaaladaha (conditions) boolean.

OperatorMeaningExample
&&Logical AND(a > 5) && (b < 10)
||Logical OR(a < 5) || (b > 3)
!Logical NOT!(a == b)
logical_operators.sop
abn x = 5
abn y = 10

bool isInRange = (x > 3) && (y < 15)
bool isMismatch = !(x == y)
qor("Is in range: " + isInRange)
qor("Mismatch: " + isMismatch)

Operator Precedence

Soplang waxay xisaabisaa operators-ka sidan (kan ugu sarreeya marka hore):

  1. Unary: !, -
  2. *, /, %
  3. +, -
  4. Comparison: ==, !=, >, <, >=, <=
  5. Logical: &&, ||

&& iyo || waa isku heer

Luqadaha badankood && ayaa ka horreeya ||. Soplang-ka hadda labaduba waa isku heer, waxaana loo xisaabiyaa bidix ilaa midig — run || been && been waxay noqonaysaa been. Mar walba qaansooyin () isticmaal marka aad isku darayso: run || (been && been).

String Concatenation

+ waxay sidoo kale isku xirtaa strings. Haddii hal dhinac uu yahay string, dhinaca kale (tiro, bool, liis) wuxuu si toos ah isugu beddelaa qoraal.

string_concat.sop
qor("Soplang " + "waa fiican")   // Soplang waa fiican
qor("Da'da: " + 25)               // Da'da: 25

// Natiijada isbarbardhigga waa la kaydin karaa
door natiijo = 5 > 3
qor(natiijo)                      // run

Qaybintu (/) waxay mar walba bixisaa natiijo sax ah: 10 / 4 waa 2.5. Qaybinta eber (x / 0) waa khalad runtime.

Operators-ka Soplang waxay kuu oggolaanayaan inaad dhisto muujiyeyo awood leh iyo xakamayn (control flow) nadiif ah.

On this page