Loops
intay (while), kuceli (for), iyo xakamaynta jooji/soco—ku celcelin iyo socod shuruudeed ee Soplang.
Loops in Soplang
Soplang waxa uu taageeraa laba nooc oo loops ah: intay (shuruud) oo u dhiganta while, iyo kuceli (bilow ilaa dhamaad) oo u dhiganta for. Waxa kale oo jira jooji (break) iyo soco (continue) si aad u yeelato xakameyn faahfaahsan.
While Loop – intay
Koodhka ku jira block-ga wuu soconayaa inta shuruuddu tahay run:
while_basic.sop
abn i = 1 intay (i <= 5) { qor("i = " + i) i = i + 1 }
Waxay taageertaa jooji iyo soco:
while_break_continue.sop
abn i = 0 intay (i <= 10) { i = i + 1 haddii (i % 2 == 0) { soco // ka bood tirooyinka labiska ah } haddii (i == 7) { jooji // jooji loop-ka marka i = 7 } qor("i = " + i) // waxay daabacdaa: 1, 3, 5 }
For Loop – kuceli
Qaabka guud waa kuceli (doorsoome bilow ilaa dhamaad :: talaabo). Xadka waa inclusive — dhamaad laftiisa waa la gaaraa. :: talaabo waa ikhtiyaari (default waa 1).
for_basic.sop
kuceli (i 1 ilaa 5) { qor("Tirada: " + i) }
Talaabo (step) la doortay:
for_step.sop
kuceli (j 2 ilaa 10 :: 2) { qor("Step: " + j) }
Talaabo taban (negative step)
Hadda kuceli wuxuu u socdaa kor oo keliya — kuceli (i 5 ilaa 1 :: -1) waxba ma fuliyo. Si aad hoos ugu tiriso, isticmaal intay.
count_down.sop
door i = 5 intay (i >= 1) { qor(i) i = i - 1 }
ilaa ma aha keyword la xafiday; waxay macno leedahay oo keliya gudaha kuceli (...).
Loop Over List
loop_over_list.sop
teed numbers = [10, 20, 30] kuceli (i 0 ilaa numbers.dherer() - 1) { qor("Element " + i + ": " + numbers[i]) }
Range with baaxad()
baaxad() waxay soo saartaa liis tirooyin ah (sida Python range). Dhamaadku kuma jiro liiska.
qor(baaxad(5)) // [0, 1, 2, 3, 4] qor(baaxad(2, 6)) // [2, 3, 4, 5] qor(baaxad(1, 10, 2)) // [1, 3, 5, 7, 9]
Nested Loops
nested_loops.sop
kuceli (i 1 ilaa 3) { intay (i > 0) { qor("Nested example") jooji } }
Factorial with While
factorial_while.sop
abn a = 5 abn result = 1 abn n = a intay (n > 0) { result = result * n n = n - 1 } qor(result)
Summary
| Keyword | Meaning |
|---|---|
intay | while loop |
kuceli | for loop |
jooji | break |
soco | continue |
Soplang loops waxay taageeraan labadaba ku-celcelin qaabaysan iyo socod ku saleysan shuruud.