Soplang Logo
Soplang

Modules

Sida koodhka loogu kala qaybiyo faylal badan oo loo isticmaalo keen (import) ee Soplang.

Modules in Soplang

Marka barnaamijku weynaado, waxaad u kala qaybin kartaa faylal .sop ah oo badan. Erayga keen (import) wuxuu soo raraa fayl kale, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad isticmaasho hawlaha, doorsoomayaasha, iyo classes-ka uu qeexay.

Importing a File – keen

keen waxaa raaca waddada faylka oo string ah:

utils/xisaab.sop
madoor PI = 3.14159

hawl labajibbaar(x) {
  celi x * x
}

qaab Goob {
  hawl dhaw(r) {
      nafta.r = r
  }

  hawl bed() {
      celi PI * labajibbaar(nafta.r)
  }
}
main.sop
keen "utils/xisaab.sop"

qor(labajibbaar(4))   // 16
qor(PI)               // 3.14159

door g = cusub Goob(2)
qor(g.bed())          // 12.56636
soplang main.sop

How keen Works

  • Waddada faylka waxaa laga xisaabiyaa galka (folder) uu ku jiro faylka keen qoray — ma aha galka aad terminal-ka ka socodsiisay. soplang main.sop iyo soplang project/main.sop labaduba si isku mid ah ayay u shaqeeyaan.
  • Wax kasta oo top-level ah — hawlo, doorsoomayaal, madoor, iyo classes — waxay noqonayaan kuwo laga heli karo faylka soo raray.
  • Koodhka top-level ah waa la fuliyaa marka faylka la soo raro (tusaale qor(...) ku jira faylka la soo rarayo).
  • Hal mar oo keliya ayaa fayl la soo raraa, xitaa haddii keen lagu qoro dhowr jeer ama faylal kala duwan ay isku soo rarayaan (circular imports).
  • Haddii faylka la waayo, waxaa dhacaya khalad import:
Khalad import: Faylka 'nope.sop' ma helin [E021] safka 0, tiirka 0

Tips

  • Dhig keen bilowga faylka si loo arko waxa uu ku tiirsan yahay.
  • Faylasha caawinta ah (helpers) sii magacyo cad, sida utils/xisaab.sop ama _math_lib.sop.
  • Iska ilaali in laba fayl ay qeexaan magac isku mid ah — qeexidda faylkaaga (keen kadib) ayaa beddelaysa tan faylka la soo raray, taasoo keeni karta khaladaad aan la dareemin.

On this page